Bayern Munich Oo U Soo Baxday Finalka Champions League.

0
343

Portugal-(Idaacadda Waamo) Bayern Munich ayaa iska Xaadirisay Finalka Champions League ka dib markii ay 3-0 ku Dardareen Kooxda Faransiiska ee Lyon Semi-finalkii Champions League iyadoo Labo Gool uu u Saxiixay Xiddigii hore ee Arsenal Serge Gnabry Halka Goolka Seddexaad uu Dhaliyay Robert Lewandowski oo gooldhalinya tartanka hogaaminaya.

Kooxda Faransiiska ayaa Si Carcar Leh Ku Bilaabatay Kulankaan iyadoo Memphis Depay uu Labo Jeer oo isku Xigto Sigay Goolka Kooxda Bayern Munich Ka Hor inta uusan Ekambi Birta u Garaacin Bayern Munich Daqiiqadii 17-aad.

Laakiin Fursadihii ay iska Qasaariyeen Lyon Waxaa Durbadiiba Ku Ciqaabtay Kooxda Reer Germany ee Bayern Munich oo Hogaanka u Qabatay Ciyaarta Daqiiqadii 18aad Kadib Markii uu Kimmich Baas Fiican usoo Qaaday Serge Gnabry Kaasoo Boos Ka Helay Xidiga Cornet Gadaashiisa, Wuxuu Kubada Ka Leexsaday Guimaraes Kahor inta uusan Shabaqa Meel Fog Ka Tooganin.

Image

Wixii Goolkaas Ka Danbeeya Waxaa Soo Baxay Goobaha Kooxda Lyon Laga Weerari Karo iyadoo Ciyaaryahanka Muller uu Dhawaaday inuu Gool Labaad ee Ciyaarta usaxiixo Kooxdiisa Laakiin Goolhaye Lopes ayaa Kubad Halis aheyd ka Badbaadiyey Gnabry Daqiiqadii 25aad.

Kooxda Bayern Munich ayaa ugu danbeyn Heshay Goolkii Labaad ee Ciyaarta, Waxayna Ka Faa’iideysteen Qalad Ka yimid Difaacasho Xumo Ka Jirta Kooxda Reer France ee Lyon, Waxay awoodi Waayeen Difaacyada Kooxda Lyon inay iska Bixiyaan Kubad Hortaalay Goolkooda Xidiga Lewandowski ayaa isku Dayay inuu Shabaqa Dhex Dhigo Weyna u Suuro Gali Weyday Waxaa Kasoo Bixiyay Goolhaye Lopes Laakiin Kubada Waxay Lugta u Gashay Xidiga S Gnabry oo Shabaqa Ku Dhex Hubsaday Sidaas ayeyna Ciyaarta Kusii Dheereysatay Kooxda Bayern Munich.Image

Waxaa Qeybtii Hore ee Ciyaarta Lagu Kala Tagay 2-0 oo ay Kooxda Bayern Munich Hogaanka Ku Heysay inkastoo ay iska Caabin Weyn Kala Kulmeen Kooxda Faransiiska ee Lyon.

Qeybta Labaad ee Ciyaarta ayaa Bilaawatay Kooxda Bayern Munich ayaa Heshay Fursad ay Gool Sedexaad Ku Dhalin Kartay Laakiin Waxaa Ka Bad-baadiyey Goolhaye Lopes oo Bixiyay Darbad uu Soo Tuuray Xidiga Ivan Perisic.

Lyon isma Dhiibin iyagana Dhankooda Waxay Bilaabeen Qeybtii Labaad inay Fursado ay Ku Raadinayaan Iney Ku Bareejeeyaan Ciyaarta, Daqiiqadii 56-aad Xidiga Marcelo ayaa Kubad Birka ah Ku Garaacay Laakiin Waxaa Kubadaas Baadiyay Goolhaye Neuer.

expanded thumbnail

Daqiiqadii 88-aad Waxaa Ciyaarta Jawigeeda Badal Xidiga Robert Lewandowski Kaasoo Dhaliyay Goolkii Sedexaad ee Kulanka Ciyaartana 3-0 Waxaa Hogaanka Kusii Dheereystay Kooxda Bayern Munich, Waana Goolkiisii 15-aad ee Xilli Ciyaareedkan uu Ka Dhaliyo Champions League isagoo Kulan Walba Shabaqa Soo Taabtay.ImageImage

Xidiga Garoonka Waxaa La Gudoonsiiyey Xidiga Labada ee Hore U Dhaliyey  Kooxda Bayern Munich ee Serge Gnabry Kaas oo Soo Bandhigay Kubad Qurux badan Inkastoo Lagu Badalay Xidigii Hore Kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho.

Image

Kulakanka U Dhexeeyey Labada Kooxood ee Lyon iyo Bayern Munich ayaa Kusoo Dhamaatay 3-0 oo ay Kooxda Bayern Munich Ku Garaacday Kooxda Lyon iyagoo Finalka Tartanka Champions League Ku Balansaday Kooxda Paris Saint-Germain.

ImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here