Portugal(Idaacadda Waamo) Kooda Bayern Munich ayaa Ku Guuleysatay Koobka yurub ee Champions League Kana Qaartay PSG oo ay uga talaabsadeen Hal Gool oo Madi ah.
Goolahayaha Kooxda Bayeyrn Munich Waxa uu Daqiiqaddii 18 Laba Fursad Xaqiiq ah oo Gool aheyd ka Bad-baadiyay Neymar , Waxa ayna Saaxibada Di Maria ahaayeen Kuwo Daafac ahaan aad u Foojignaa.
Munich fiursaddii ugu horeeysay waxa ay Heleen Daqiiqaddii 21-aad Waxa ayna Waqtigaas Kubadda ay Birta Kaga Dhacday Weeraryahanka Kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski Dhanka Kale Xidiga Di Maria ayaa isna sigay Kooxda Munich Daqiiqaddii 23-aad Xilli Kooxda Bayern Munich ay Daqiiqaddii 25-aad Dhaawac Loga Saaray Xidiga Jerome Boateng.
Labada Kooxood ee PSG iyo B Muncih ayaa Nasiinada Ku aaday Bar-bar Dhac Bilaa Goolal ah , Waxa ayna Ciyaarta aheyd Mid Labada Kooxoodbo ay Ku Jiraa Difaac Xoogan iyo Weerar Deg Degsiimo Leh ayeyna Isku Qaadayeen.
Guud ahaan , Qeybtaas Hore Waxa ay aheyd Mid wacan Waxa ayna Labada Koox Soo Bandhigeen Ciyaar Kubad awoodeed ah.
Soo Laabashadii , Munich ayaa Cadaadis Weerar Kusoo Gashay Balse Waxaa Ka Maqnaa in ay Diiradda Saraan Ciyaarta Xilli PSG ay raadinayeen waddo ay Munich ugu Dillaan Kubadaha Rogaal Celiska ah .
Kooxda Bayern Munich ayaa La Timid Gool Daqiiqaddii 59-aad , Waxaana Madaxa Ku Dhaliyay Xidiga Kingsley Coman , Waxaana Goolkaas Ka Muuqday Qalad Weyn oo ay Sameeyeen Daafacyada Kooxda Goolka Laga Dhaliyey ee PSG oo aan Foojignaan iyo ilaalo Dheeraad ah Ka Galin Laacibkaas Coman.
Bayern Munich Si ay Ciyaarta usii Dilaan Waxa ay Hal Mar Soo Wada Galiyeen Ivan Perisic iyo Philippe Coutinho Daqiiqadiii 68-aad Waxaana Lagu Badalay Xidiga Goolka Udhaliyey Kingsley Coman iyo Serge Gnabry oo Aan Xalay Si weyn u Muuqan, Waxa ayna PSG Daqiiqaidi 69-aad Ku Sigteen In ay Shabaqa Kooxda Bayern Munich Soo Taabtaan Balse Waxaa Si Cajiib ah uga Bad-baadiyay Goolhayaha Kooxda Bayern Munich oo Kulankaan aad u Foojignaa .
PSG Si ugu yaraan u Helaan Goolka Bar-bar Dhaca Waxa ay Daqiiqadii 80-aad ay Soo Galiyeen Layvin Kurzawa iyo Eric Maxim Choupo-Moting oo Lagu Badalay Di Maria iyo Juan Bernat Halka Munich Daqiiqadii 88-aad ay Soo Galiyeen Thiago Corentin Tolisso oo Loo Badalay Alcantara
Ciyaarta Labada Kooxood ee PSG iyo Bayern Munich ayaa Kusoo Gaba-gabowday 0-1 ay Guushu Ku Raacday Kooxda Reer Germany ee Bayern Munich ayna arkii 6-aad Taariikhdeeda Ku Guuleysatay Tartanka yurub ee Champion-ka.