Baydhabo Aabe iyo laba Carruur ah oo uu dhalay oo dab ku geeriyoodey

0
330

Baydhabo(Idaacada Waamo)Dab geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyadeed ayaa waxaa uu xalay ka kacay guri ku yaalla Xaafada Howl-Wadaag ee Magaalada Baydhabo gaar ahaan agagaarka xaafada Onodka ee Magaaladaasi Baydhabo.

Dabka ayaa waxaa la sheegay in uu yimid, kadib markii uu dab qabsadey Shidaal Guriga yaaley, waxaana uu sababey geerida nin lagu magacaabi jirey Sheekh Cumar iyo laba carruur ah oo uu dhalay.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee magaalada Baydhabo Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa sheegay in dadka deegaanka gurmad u sameeyeen qowska dabka gurigooda qabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here