Barcelona Oo Xasuuqday Real Madrid & Hansi Flick Oo Kabaha La Dulmaray Ancelotti

0
5

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Barcelona ayaa garaacday Real Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay Santiago Bernbue.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood kala qaybsadeen labada qayb ee ciyaarta

Real Madrid ayaa ahayd kooxda fiican qaybtii hore ee ciyaarta iyaga oo sameeyay fursado badan xitaa gool laga diiday sabab la xidhiidha offside.

Labada kooxood ayaa bar-baro gool la’aan ah ku kala baxay Qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo labada kooxood sameeyeen fursado sameeyeen.

Qaybtii dambe ayay Barcelona ahayd kooxda fiican iyaga oo si dar-dar leh ku bilowday.

Daqiiqadii 54-ayay Barcelona dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Robert Lewandowski kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Isla xiddiga Robert Lewandowski ayaa dhaliyay goolkii labaad daqiiqadii 56-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kalian Mbappe ayaa dhaliyay gool kooxdiisa laakiin looga diiday goolka sabab la xidhiidha offside.

Mbappe ayaa la dhan karaa waxa uu ahaa xiddiga ugu xun ciyaarta marka loo eego in uu khasaariyay fursado aan la rumaysan Karin.

Dhinaca Barcelona Robert Lewandowski ayaa kooxdiisa ka khasaariyay laba fursadood oo deg-deg ah oo waliba goolka hortiisa loo dhigay.

Da’yarka Lamine Yamal ayaa is baray taageerayaasha Real Madrid waxana uu ka dhaliyay los Blancos gool cajiib ah ok uu ciyaarta kaga dhigay 3/0.

Xiddigaa wacdaraha dhigaya ee Raphinha ayaa dhaliyay goolka 4-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 4/0.

Waxa sidaas ku dhawaatay ciyaarta oo ay Barcelona ceebaysatay Real Madrid dhulkana ku jiid-jiiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here