Barcelona oo xaaqday kooxda Villarreal oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou

0
279

Barcelona(Idaacadda Waamo)-Barcelona ayaa xaaqday kooxda Villarreal oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, xilli Blaugrana ay gacanta ku dhigtay saddexdeeda dhibcood ugu horeysay horyaalka La Liga ee kal ciyaareedkan cusub 2020/21.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 15-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Ansu Fati, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jordi Alba.

19 daqiiqo marka ay ciyaartu aheyd Barcelona ayaa la timid gool labaad waxaana dheesha 2-0 ka dhigay Ansu Fati, xilli caawinta goolkan uu lahaa Philippe Coutinho.

Daqiiqadii 35-aad Barcelona ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Lionel Messi, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 3-0 ay ku hoggaamineysay Barca.

45 daqiiqo marka ay dheeshu aheyd Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddiga kooxda Villarreal, waxayna dheesha sidaas ku noqotay 4-0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here