Barcelona oo sagaal ciyaaryahan u soo bandhigaysa Kooxaha ka dheela horyaalka Premier League

0
414

Barcelona(Idaacadda Waamo)Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay isku diyaarinayso inay u soo bandhigto sagaal ciyaaryahan oo kooxda koowaad ah kooxaha ka ciyaara horyaalka Premier League, iyadoo kooxda heysata horyaalka Spain ay la tacaaleyso faafaha Coronavirus.

Madaxweyne ku xigeenka kooxda Catalan ee Jordi Cardoner ayaa horey u qirtay in kooxdiisu aysan u badneyn inay xagaagan qarash-gareeyaan si ay u soo iibsadaan ciyaartoy cusub, iyadoo heshiisyada lagu bedelanayo bedelkii la filayay inay dhacaan.

Sida laga soo xigtay Jariiradda Daily Star, Barca ayaa ku wargalisay kooxaha Premier League in sagaal ciyaaryahan oo uu ku jiro Antoine Griezmann inay diyaar noqon doonaan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga.

Griezmann ayaa hore loola xiriirinayay kooxda Man United, iyada oo kooxda reer Catalan ay u muuqato inay u dhaqaaqday saxiixa xiddiga kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here