Barcelona Oo Ku Guuleysatay Spanish Super Cup Ka Dib Markii Ay Xasuuqeen Real Madrid

0
104

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Barcelona ayaa ku guuleysatay koobka Spanish Super Cup markii 14aad ka dib markii ay 3-1 ku xasuuqeen kooxda Real Madrid ciyaartii finalka ee ka dhacday dalka Sacuudiga.

Gavi, Lewandowski iyo Pedri ayaa guusha u xaqiijiyay Barcelona kuwaasoo cagta la maray Real Madrid oo soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u liita iyadoo goolka qura uu u saxiixay Karim Benzema waqtigii dhimashada ciyaarta.

Waa koobkii ugu horeysay ee uu Xavi la qaaday Barcelona intii uu tababare u noqday. Waana koobkoodii ugu horeysay tan iyo markii ay ku guuleysteen Copa del Rey xilli ciyaareedkii 2020-21.

Barcelona ayaa khadka dhexe ka qabsatay Real Madrid iyadoo ciyaartoyda khadka dhexe ee Los Blancos uu ka dhex dhacay faham waa keentay in Barcelona ay hogaanka u qabato ciyaarta markii Lewandowski uu kubad u dhigay Gavi oo dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee El Clasico.

Qaab la mid ah goolkii hore ayay Barcelona goolkii labaad ku dhalisay markii Gavi uu isna abaal guday markii uu kubad baas ah u dhigay Robert Lewandowski oo shabaqa ku taabtay.

Qeybtii labaad ee ciyaarta waxba kama duwaneyn qeybtii hore iyadoo Barcelona ay sidoo kale aheyd kooxdii fursadaha fiican abuureysay iyadoo Courtois uu fursad halis aheyd ka beeniyay Ousmane Dembele.

Daqiiqadii 68aad Barcelona ayaa ciyaarta hurdo u dirtay markii Gavi uu sameeyay caawintiisii labaad isagoo kubad macaan u dhigay Pedri oo si xarago leh shabaqa ugu taabtay.

Gavi waa 18 jir gool iyo labo caawin ka sameeyay kulanka El Clasico ee finalka Spanish Super Cup.

Khadka dhexe ee Real Madrid jawaab way u waayeen kubadaha Barcelona, waxayna sababtay in sahaydii ay ka go’do weerarkooda halka daafaca Los Blancos uu qalqal ka muuqday iyadoo laga dafayay kubadaha qaarkood.

Karim Benzema ayaa waqtigii dhimashada ciyaarta hal gool u soo celiyay Real Madrid.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Barcelona ku xasuuqday Real Madrid iyagoo hantay koobkoodii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here