Barcelona oo guul ka soo heshay kooxda Villarreal oo ay booqatay

0
220

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Barcelona ayaa guul ka soo heshay kooxda Villarreal oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaadeen 1-3, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ayeey labada kooxood Villarreal iyo Barcelona ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga khadka dhexe ee reer Holland Frenkie de Jong.

77 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda martida loo ahaa ee Villarreal ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay ciyaarta laacibkooda Samuel Chukwueze.

Daqiiqadii 88-aad kooxda Barcelona ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-2 ka dhigay dheesha Memphis Depay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here