Barcelona oo guul ay u qalantay ka soo heshay kooxda Valencia oo ay ku booqatay garoonka Mestalla

0
155

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Barcelona ayaa guul ay u qalantay ka soo heshay kooxda Valencia oo ay ku booqatay garoonka Mestalla, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4, ciyaar qeyb ka ahayd horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta aaa lagu kala nastay 0-3 ay hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Barcelona.

Daqiiqadii 23-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Aubameyang kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Jordi Alba.

Frenkie de Jong oo caawin ka helay laacibka reer France ee Ousmane Dembélé ayaa daqiiqadii 32-aad wuxuu dheesha ka dhigay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

38 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Barcelona ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-3 ka dhigay Aubameyang oo markan caawin ay kaga timid saaxiibkiis Gavi

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad kooxda Valencia ayaa dhalisay kaddib markii uu 1-3 ka dhigay dheesha laacibkooda C. Soler waxaana ka caawiyay goolkan saaxiibkiis B. Salvatierra.

63 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Pedri ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxdiisa Barcelona wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-4.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 1-4 ay kaga soo adkaatay Barcelona, kooxda Valencia oo ay ku booqatay garoonka Mestalla,  Barca ayaa hadda ku jirta booska afaraad ee kala sareynta horyaalka La Liga ee dalka Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here