Barcelona Oo Gurigeeda Ku Xasuuqday Sevilla

0
242

Barcelona ayaa guul weyn ka gaartay Sevilla iyagoo ku garaacay 2-0 islamarkaana SIDEED dhibcood hogaanka kaga qabtay kooxda kaalinta labaad ee Real Madrid oo maanta laga badiyay.

Goolal ay kala dhaliyeen qeybtii labaad Jordi Alva iyo Gavi ayaa Barcelona ka saaciday inay si sahlan ku dhaafto Sevilla oo marti ku aheyd garoonka Camp Nou.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah inkastoo Barcelona ay fursado fiican abuurtay oo laga badbaadiyay. Laakiin Barca waxaa ka dhaawacmay bilowgii ciyaarta Sergio Busquets oo lagu bedelay Frank Kessie.

Qeybtii labaad ayay Barcelona sarre u qaaday ciyaareeda, waxayna hogaanka u qabteen ciyaarta daqiiqadii 58aad markii Jordi Alba uu shabaqa ku hubsaday kubad uu u soo dhigay Kessie isagoo dabamariyay goolhaye Bono.

Toban daqiiqo ka dib Barcelona ayaa sii dheereysatay hogaankeeda ka dib markii Raphina uu kubad u soo hordhigay goolka hortiisa Gavi kaasoo shabaqa si sahlan u dhex dhigay.

Waa goolkii ugu horeysay oo uu Gavi dhaliyo tan iyo markii uu ku wareegay maaliyada No.6 todobaadkan.

Barcelona ayaa xasuuqda iska sii wadatay markii ay heleen goolka seddexaad daqiqadii 78aad ee ciyaarta, Jordi Alba ayaa karoos macaan ka soo dhigay garabka bidix, waxaana booska saxda u soo istaagay Raphinha oo aan ka labalabeynin inuu dabamariyo goolhaye Bono.

Ciyaarta waxay ku dhamaatay 3-0 oo ay Barcelona ku xasuuqday Sevilla, waxayna horyaalka La Liga ku hogaaminayaan 53 dhibcood halka Real Madrid oo labaad ku jirta ay leedahay 45 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here