Barcelona Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalka Quique Setien

0
430

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa soo jeediyay in Quique Setien uu sii ahaan doono Tababaraha kooxda xilli ciyaareedka soo socda.

Xilli Barcelona horyaalka u wayday Real Madrid xilli ciyaareedkan waliba dhibaato weyn ka dhacday gudaha Barcelona waxa si weyn loo filayay in tababare Setien isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha noqotee, Bartomeu Ayaa sheegay in uuna jirin qorshe kale oo lagu badalayo tababaraha mustaqbalka dhaw.

Bartomeu oo la hadlaya wargayska Sport ayaa yidhi”Tababaruhu waxa uu kooxda kula jiraa heshiis, markii aan la soo saxiixanay waxa aan u sharaxnay in uu mashruuciiso yahay xilli ciyaareedka iyo mid kale”.

“Tababare laguma qiimayn karo dhawr bilood oo waliba dhexda looga jiro dhibaatooyin xanuun iyo wakhti adag”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here