Barcelona Oo Garaacday Man United Iskana Xaadirisay Semi-finalka Champions League

0
516

Kismaayo(Waamo Radio) Kooxda Barcelona ayaa garaacday kooxda Man United kulan ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa lugtii 2-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League iyaga oo iska xaadiriyay Semi-finalka tartanka champions League.

Man United ayaa daqiiqadihii ugu horeeyay si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo sameeyay fursado halis ah oo uu xitaa Marcus Rashford si lama filaan ah isaga khasaariyay fursad cajiib ah.

Kooxda Barcelona ayaa ciyaarta la wareegtay wixii intaas ka dambeeyay iyaga oo maamulayay ciyaarta halka ay Man United garan la,ayd meel ay wax ka si yihiin.

Daqiiqadii 16-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay kabtankooda Lionel Messi kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Barcelona ciyaarta ku hogaaminayso.

Kooxda Barcelona ayaa sii waday dadaalkii ay ku doonaysay goolasha kale si ay ciyaarta wakhti hore u disho si ayna lama filaan ugala kulmin kooxda Man United.

Daqiiqadii 20-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu mar kale shabaqa soo taabtay Lionel Messi kaas oo caawin ka helay David De Gea oo ay ka siibatay kubad u muuqatay in uu hayay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Barcelona si raaxo leh u maamlayso ciyaarta walba maamulayeen ciyaarta kana dhalin kareen goolal intaas ka badan.

Qaybtii dambe ayay Barcelona ku bilaabatay si diiran iyaga oo doonayay in ay sii dheeraystaan hogaanka ciyaarta goolal kalena ka dhaliyaan kooxda Man United.

Dhanka kale Man United ayaa u muuqatay qaar gabi ahaan is dhiibay iyaga oo u ciyaarayay qaab ay niyad jab ka muuqato oo aan u dadaalayn sidii ay goolal u dhalin lahaayeen.

Daqiiqadii 61-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliay xiddiga Philippe Coutinho kaas oo gool gantaal ah ka dhaliyay kooxda Man United.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona gaadhay guul 3/0 ah sidaasna isaga xaadirisay wareega Semi-finalka tartanka champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here