Barcelona Oo Boorka Ka Jaftay Rikoor Xun Oo Ka Maqnaa Muddo 12 Sano

0
400

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Reer Spain ee Barcelona ayaa Boorka Ka Jaftay Rikoor Xun oo Ka Maqnaa Muddo 12 sano ah Kadib Bar-barihii ay La Galeen Kooxda Espanyol Sabtidii Kulanka oo Ka Tirsanaa Horyaalka La Liga Dalka .

Kooxda Barcelona ayaa Ku Fashilantay inay ilaashato 2 Gool ee ay Ku Hogaaminaysay Ciyaarta Kulankii Ka Dhacay Garoonka Espanyol iyaga oo Bar-baro 2/2 ah La Galay Kooxda ay Jaarka yihiin.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa Sheegay in ay Barcelona Xilli Ciyaareedkan Heshay  Horyaalka La Liga Dhibcihii ugu yaraa ee Horyaalka La Liga Ka Heshay Muddo 12 Sano ah.

Kooxda Barcelona ayaa Heshay 40 Dhibcood 19 Kulan oo ay Ciyaartay Horyaalka La Liga Waana Markii ugu Horaysay Tan ilaa 2008 ee ay Barcelona Heshay Dhibcahaas.

Halkan Kaga Bogo DHibcihii ay Barcelona heshay 19-ka kulan ee ugu horeeya 2008 ilaa 2020:

2008: 40 Dhibcood
2009: 50 Dhibcood
2010: 49 Dhibcood
2011: 52 Dhibcood
2012: 44 Dhibcood
2013: 55 Dhibcood
2014: 50 Dhibcood
2015: 44 Dhibcood
2016: 45 Dhibcood
2017: 41 Dhibcood
2018: 51 Dhibcood
2019: 43 Dhibcood
2020: 40 Dhibcood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here