Barcelona Oo Antoine Griezmann U Soo Bandhigtay 3 Kooxood Oo Waaweyn,

0
296

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Barcelona ayaa Antoine Griezmann Kula Soo Wareegtay lacag dhan 120 milyan oo euro xagaagii la soo dhaafay iyaga oo doonayay in ay ku xoojiyaan weerarka kooxdeeda.

Xiddiga Antoine Griezmann ayaa si fiican ula qabsaday Barcelona isaga oo kooxda u dhaliyay goolal badan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona haatanba isku diyaarinayso in ay iska iibiso xiddiga reer France ee Antoine Griezmann dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Antoine Griezmann si ay xagaaga suuqa ugu gasho lacagtiisa ulana saxiixato xiddigaha xiddiga Neymar iyo Lautaro Martinez kuwaas oo ay doonayaan in ay xagaaga ku xoojiyaan kooxda.

Wargayska Sport ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Barcelona saxiixa xiddiga Antoine Griezmann u soo bandhigtay kooxaha Man United, Chelsea iyo waliba PSG.

Barcelona ayaa Griezmann ku qiimaysa lacag dhan 90 milyan oo euro waxana ay doonayaan in ay soo ceshadaan lacagta ay ka soo bixiyeen xagaagii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here