Barcelona iyo Galatasaray oo barbaro ku kala baxay & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaray Europa League

0
104

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxaha Barcelona iyo Galatasaray ayaa barbardhac 0-0 ah ku kala baxay kulanka lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Europa League, kaasoo ka dhacay garoonka Camp Nou.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Barcelona iyo Galatasaray ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 0-0 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Barcelona iyo Galatasaray, oo ciyaar aad u xiiso badan ku wada ciyaaray garoonka Camp Nou, iyadoo ciyaarta lugta labaad ay ka dhici doonto garoonka Nef Stadyumu ee dalka Turkey.

Haddaba halkan hoose ka eeg natiijooyinka dhammaan kulammadii caawa laga ciyaaray lugta hore wareega  16-ka ee tartanka Europa League:

Sevilla 1-0 West Ham

Atalanta 3-2 Bayer Leverkusen

Barcelona 0-0 Galatasaray

Rangers 3-0 Crvena Zvezda

SC Braga 2-0 Monaco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here