Barakacayaasha Kaamka Riiqato ee magaalada Kismaayo oo caawin dalbaday

0
233

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ku dhawaad 85 Qoys ayaa ku nool kaamka Riiqato oo ka mid ah xeryaha barakacayaasha ah ee ku yaalla xaafadda Farjano gaar ahaan waaxda daalxiiska ee maagalada kismaayo.

Waxaana Qoysaska halkaas ku nool ay kasoo barakaceen badankood deegaanada Gosha,halkaas oo ay sameyeen fatahaado iyo Ayaxa ku habsaday dhul beeredyadii ay lahayeen, dadkaan ayay ku adagtahay xilligaan helidda adeegyada asaasiga ah ee nolosha aadanaha  sida Caafimaadka, Biyaha,Waxbarashada iyo Hoy wanaagsan,waxayna codsadeen in laga caawiyo helidda dhammaan adeegyadaas.

Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here