Bankiga dhexe oo Digniin kasoo saaray Shirkadaha sarifnka ee Forex

0
353

Muqdisho-(Idaacadda Waamo)-Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray Digniin ku socota shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ku aadan in shacabka ay maalgashtan Shirkadaha shaqeeya sarifka online-ka ah ee loo yaqaano Forex.

Qoraal kasoo baxay Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Bankiga dhexe uu rumeysan yahay in Ganacsiga sarifka online-ka uu Khasaaron badan u soo jeedio karo dad shacabka ah ee maalgashada.

Sidoo kale qoraalka Bankiga dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in aysan jirin Shirkad ruqsad ama ogolaansho ka heysata Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo ka ganacsada sarifka online-ka ee Forex.

Qoraalkaan kasoo baxay Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in dad ku sugan Muqdisho oo lacago dhigtay Forex ay Khasaaro hantiyadeed soo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here