Bangiga Primeir Bank oo laga daah-furay Kismaayo

0
286
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Bangiga Premiere Bank oo kamid ah Bangiyada ka hawlgalay Soomaaliya ayaa  waxaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose ku qabtay munaasabad lagu daah furayay adeegyada bangiga uu bixiyo oo aan horay Magaalada uga jiran.
Munaasabaddan lagu daah-furayay adeegaan cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland ,Wasiirka hawlaha guud iyo Guryeenta ee Jubbaland ,Gudoomiyaha Rugta Ganacsigga iyo warshadaha jubbalnd , Gudoomiye ku xigeenka Rugta ganacsiga  jubbaland Xoghayaha guud ee Ruggta  ganacsatada Kismaayo iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Kismaayo.

Adeegyada cusub ee Premiere Bank  ee laga ka daah-furay magaalada Kismaayo ayaa waxaa kamid ah adeega POS ee ay macaamiisha ku bixin karaan lacagaha marka ay ka adeegtaan goobaha ganacsiga, adeegga ATM ee ay macaamiisha 24ka saacadood ay kula bixi karaan lacagahooda iyo adeegga banking agency ee ay macaamiisha lacagaha ku dhigan karaan akoonnada ay bangiga ku leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here