Bandow xalay ka dhaqan galay magaalada Muqdisho

0
284

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ka dhaqan galay Bandow ay dhawaan kusoo rogtay Dowladda federaalka ah Soomaaliya,kaas oo bilaawdey 8:00 Fiidnimo kuna ekaa 5:00 Subaxnimo.

Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Muqdisho iyo Xaafadaha qaar ayaa waxaa lagu arkayey Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska Soomaaliya,kuwaas oo kala eryayay Dadka qaarkood oo wadooyinka taagnaa in kastoo badi la xirey Goobaha Ganacsiga.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kormeer ku sameeyay 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir kormeerkaan oo ahaa mid ay ugu kuur galayeen sida uu u hir galay bandowga lagu soo rogay Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa markale ku celiyey in Bandowga uusan saameyn doonin Wariyeyaasha,Dukaamada lagu iibiyo raashinka qalalan Isbitaalada iyo dadka xanuunsan,waxaana uu Ciidamada farey inay si wanaagsan ula dhaqmaan Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka Aminiga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) oo Saxaafada la hadlay ayaa ka codsaday Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho in ay ilaaliyaan nidaamka Dowladnimada,isla markaana u hoggaan samaan Awaamiirta Ciidamada iyo talooyinka Caafimaad si looga hortago faafida Corona-virus.

Dowladda Soomaaliya si rasmi ah uma shaacin mudada la joojin doono Bandowga xilliga habeenkii ah ee la saarey Magaalada Muqdisho,iyada oo kiisas Cusub oo COVID-19 ah laga helay Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here