Bandow xalay ka Dhaqan galay qaar ka mid ah Magaalooyinka Dowlad Goboleedyada Dalka

0
297

Kismaayo(Idaacadda Waamo)Waxaa xalay magaalada Kismaayo ka dhaqan galay bandow uu maamulka Jubbaland ku soo rogay xiliyada habeenkii ah. Kaas oo lagu macneeyay mid looga hor tegayo faafidda cudurka Coronavirus.

Guddiga ka hor tagga cudurka Coronavirus ee maamulka Jubbaland ayaa kulan uu shalay ku yeeshay magaalada Kismaayo waxa lagu go’aamiyey in deegaanada maamulkaas lagu soo rogo bandow xilliyada habeenkii ah, kaas oo bilaabanaya 6:00pm Makhribnimo kuna eg 6:00am Aroornimo.

Taliyaha guud ee ciidamada Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud oo kulankaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa amray laamaha ammaanka Jubbaland in si buuxda loo dhaqan geliyo bandow oo xalay dhaqan galkiisu bilaabanayey.

Dhamaan xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu dhex arkayey ciidamada ammaanka Jubbaland oo gaaf wareegaya, waxaana sidaas xalay ku dhaqan galay bandowgii lagu soo rogay magaalada Kismaayo.

Jubbaland ayaa sheegtay in laba qof oo ku nool magaalada Kismaayo uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, waxaana jira dad kale oo la sheegay in looga shakisanyahay in ay qabaan cudurkaas, labada qof ee laga helay ayaa dheecaankooda loo soo qaaday isla markaana lagu baaray magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale bandow gale ayaa isla xalay ka dhaqan galay magaalooyin ay ugu horreyso Jowhar, kadib amar kasoo baxay wasiirka amniga Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar ayaa amray in bandow lagu soo rogo magaalada wixii ka dambeeya salaadda cisho, guud ahaan deegaanada maamulka Hir-Shabeelle. Waxuuna tallaabadaas ku tilmaamay mid looga hortegayo faafitaanka xanuunka Coronavirus oo dhawaan uu u geeriyooday wasiiru dowle ka tirsanaa Hir-Shabeelle oo uu kusoo ritay magaalada Jowhar.

Jowhar ayaana laga soo sheegayaa in uu xalay bandowgaas ka dhaqan galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here