Bandhig Carweedka cunnooyinka Caalamka oo Dubai lagu qabtay iyo Soomaaliya oo ka qayb gashay

0
338
Dubai(Idaacadda Waamo)Soomaaliya ayaa sannadkii 4-aad oo xidhiidh ah ka qeyb gashay bandhiga caalamiga ah ee carwada cunnooyinka caalamka lagu farsameeyo iyo kheyraadka uu dalba leeyahay, taasoo lagu qabtay magaalada Dubai ee iskutagga imaaraatka Carabta.
Sannadkaan, Soomaaliya waxay bandhigaas uga qeyb qaadatay cuntooyin uu dalkeennu caanku yahay oo ay kamid yihiin,  Muuska, Sisinta, Basbaaska iyo kalluunka, waxayna soo jiiteen indhaha ganacsato maalgashadayaal ah.
Sharkado dalal shisheeya ah ayaad aad u xiiseynayey kheyraadka dalka Soomaaliya. Waxayna qaarkood u muuqdaan in ay heshiisyo kala saxiixandoonaan sharikadaha Soomaaliyeed ee ka soo qayb-galay carwadaan bandhiga cuntada ee Gulf Food Show.

Bandhig carweedkaan sanadlaha ah oo sanadkiiba mar la qabto ayaa ah kan ugu weyn dunida ee lagu soo bandhigo cuntooyin kala duwan oo laga keenay dunida daafaheeda.

Shirkaddo badan oo Soomaaliya ayaa sanad walba uga faaidaysta in ay wax soo saarkooda ganacsi kusoo bandhigaan suuqaan oo ay iskugu yimaadaan shirkado kala duwan, oo isagu jira kuwa wax iibinaya kuwo wax iibsanaya, maalgashadayaal, iyo shirkaddo dhiiro gelinaya badeecadaha, rabana iney kor qaadaan wax u dhoofinta.

Waxay shirkadaha Soomaalida sanad kasta ay ka faa’idaan malaayiin dollar bandhigaan, iyagoo si wanaagsan suuq ugu helo baddeecooyinka.

Mashruuca GEEL ee gacanta ka hela USAID ayaa ka caawiyay shirkadaha Soomaalida inay kasoo muuqdaan bandhiggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here