Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Weeraryahankii hore ee kubadda cagta Talyaaniga ee Mario Balotelli oo waayihiisa ciyaareed ah shaqsi looga bartay muran abuur badan ayaa markale dood cusub dhaliyay.
Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo kuwa 20-kii sano ee ugu dambeeyay ugu fiican loo arkayay kubadda cagta ayaa dhexdooda 12 Ballon d’Or kusoo guuleystay.
Balotelli qudhiisa ayaa kamid ahaa xiddigaha markii ay soo baxeen loo arkayay kuwo mustaqbalka abaalmarintaas u tartami kara.
Si kastaba, weeraryahankii hore ee Manchester City iyo Liverpool ayaan marnaba gaadhin heerka ay tababarayaashiisii hore ka filayeen inuu gaadhi karo.
Haatan Mario oo la hadlay wargeyska Talyaaniga ah ee La Repubblica ayaa sheegay in wakiilkiisii geeriyooday ee Mino Raiola uu u sheegi jiray in sababta Messi iyo Ronaldo ballon d’Or badan ugu guuleysteen tahay inuu isagu kaliya 20% awoodiisa ciyaareed soo bandhigay oo uu is-hagraday.