Baarlamaanka Soomaaliya oo soo gabagabeeyay dooda 4-ta cutub ee ugu horeeysa Dastuurka

0
58
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 29-aad ee Labada Aqal ee BJFS. Kulanka Guddoomiyaha waxaa ku wehliyay kuxigeenada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad.
Ajanadaha kulanka maanta oo ahaa sii-wadida dooda madaxyada 3-aad iyo 4-aad oo ku jira cutubka 4-aad ee wax-ka-bedelka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna Xidhibaannada aragtidooda ka dhiibteen qodobadii ka harsanaa dooddii madaxyada 3aad iyo 4aad ee cutubka afaraad.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here