Baarlamaanka oo Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyey Dhameystirka Dastuurka

0
46
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey dhamaystirka Dastuurka oo soo maray marxallado kala duwan,xubnaha labadda gole ayaa saaka subaxnimadii hore ba iska soo xaadiriyey xarunta Golaha ee Villa Hargeysa.
Kulanka ayaa waxa soo xaadiray 254 mudane oo isugi jiray 212 Xildhibaan oo golaha Shacabka ah iyo 42 Senator oo aqalka sare ah,Guddoomiyaha golaha shacabka Sh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta Ansixinta Dastuurka isagoo ku dhawaaqay in ansixinta Dastuurka ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen 254 Mudane.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here