Baarlamaanka Jubbaland oo Maanta ansixiyey Xeerka Biyaha dowlad goboleedka Jubbaland,

0
417
kismaayo(Waamo Radio)Barlamaanka Jubbaland oo maanta yeeshay Kal Fadhiga 4-aad fadhigisii 67-aad ayaa dood adag ka yeeshay xeerka Biyaha Jubbaland ku ansixiyay ,43 Mudane ayaa soo xaadirtay kalfadhigan,waxaana shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Jubbaland.
Dood dheer ka dib Baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed Jubbaland ayaa ansixiyay Xeerkaan  taas oo horey loo soo mariyay Golaha Wasiirada Jubbaland.
Markii uu soo idlaaday kalFadhiga Baarlamanku  ayaa Waxaa Warbaahinta u sharaxay howsha ay maantay qabteen  Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Habdhowrka Barlamaanka Jubbaland Axmed Iftiin Maxamed isagoona cadeeyay in si toos ah loo ansixiyay xeerka Biyaha Jubbaland.
waxaa warbixintaan inoo soo jeedinaya,Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here