Azpilicueta oo sharaxay sababta ka dambeysa hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedka Eden Hazard ee kooxda Real Madrid

0
400

London(Idaacadda Waamo)Xiddiga reer Spain iyo kooxda Chelsea ee César Azpilicueta ayaa sharaxay sababta ay hoos ugu dhacday awooda ciyaareed laacibka naadiga Real Madrid  ee Eden Hazard.

Laacibka reer Belgium ayaa ku soo biiray Real Madrid xagaagii hore, isagoo kaga yimid Chelsea 100 milyan euro, laakiin ma uusan soo bandhigin qaab ciyaareedkiisii lagu yaqiinay.

Shabakada “Goal” ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay César Azpilicueta, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa.

Isaga (Hazard) wuxu la kulmay dhaawacyo xilli ciyaareedkan mana uusan aheyn 100%, waxaan rajeynayaa inuu dib u heli doono qaab ciyaareedkiisa si uu u caawiyo kooxdiisa”.

“Shaki iigama jiro in Real Madrid ay heysato ciyaartoy badan oo heer sare ah, sidoo kale Hazard wuxuu muujin karaa qiimahiisa kooxdan, aan rajeyno inaan arki karno Eden Hazard-kii aan ku aragnay Chelsea”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here