Aymeric Laporte oo u ciyaari kara xulka qaranka Spain Euro202…(Maxay FIFA ka qabtaa?

0
307

Manchester(Idaacadda Waamo)-Difaaca kooxda Manchester City ee Aymeric Laporte ayaa u ciyaari kara xulka qaranka dalka Spain tartanka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020 isagoo meel iska dhigaya u ciyaarista dalka uu u dhashay ee France.

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa horraan xiriirka kubadda cagta ee dalkaas kala hadlay suuro-galnimada uu ugu yeeri karo Laporte iyo in la dardar geliyo howlaha la xiriira in xiddigan loo soo wareejiyo xubinnamada xiddigaha xulka La Roja.

Difaacan qudhiisa ayaa doonaya inuu ka mid noqdo Spain isagoo haatan ka shaqeynaya warqadaha lagama maarmaanka ah ee u ogolaanaya in looga yeero xulka Spain 21-ka bishan May.

Xiriirka kubadda cagta dalka Spain ee magaciisa loo soo gaabiyo RFEF ayaa sugaya xaqiijinta ugu dambeysa ee FIFA iyadoo la aaminsan yahay in xiriirka kubadda cagta dunida uu ansixinayo in Laporte uu u ciyaaro Spain.

Difaaca Man City ayaa ku dhashay Agen oo ku taalla Faransiiska, waxaase uu Athletic Club ku biiray isagoo da’yar ah, waxaana uu Bilbao ku qaatay siddeed sano kahor inta uusan Manchester City ugu biirin 65 milyan oo euro.

26-sano jirkan ayaa soo matalay heerarka dhallinyarada ee xulka France, hase ahaatee, marnaba ma uusan u ciyaarin xulka waaweyn, waxaana macallinka xulka Faransiiska ee Didier Deschamps uu caddeeyay inuusan qorshaha ku darsan Laporte.

Dhinaca kale, in Isbaanish laga dhigo Laporte ayaa la hubiyay goor hore, maanta ayaana lagu dhawaaqi doonaa dhalashada Isbaanishka ah ee xiddiga Manchester City.

Majaladda MARCA ayaa fahansan inaysan jiri doonin caqabado hor istaagaya in Enrique uu liiska difaacyada ee Euro 2020 ku darsan doono Laporte isagoo haatan qaybta daafaca dhexe ku heysta Sergio Ramos, Eric Garcia, Pau Torres iyo Inigo Martinez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here