Ayax ku habsaday degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

0
278

Jowhar(Idaacadda Waamo)-Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa ayax farabadan uu ku habsaday degaano hoostaga magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, iyo degmada Mahaddaay, iyada oo ayaxaas uu baabi’iyay dagalyo dhowr ah.

Beeraleyda Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ay sheegeen in Ayaxaan uu dhibaatooyin farabadan u geystay Dalagyo u beernaa, isla markaana lagu arkay inta badan tuulooyinka Magaalada jowhar iyo degmada Mahaddaay.

Waxaa ay sheegeen in Beero badan uu ku habsaday, sidoo kalena ay isku dayeen inay ka hortagaan, hayeeshee ay awoodi waayeen, waxaana ay ugu baaqeen madaxda dowladda iyo Maamulka Hir-Shabeelle in arrintaas wax laga qabto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here