Awooda Suuqa Chelsea oo Liverpool gashay Iyo Xiddiga Ay Blues Ku Qabsadeen Reds

0
126

Chelsea oo suuqyadii ugu dambeeyay caan ku noqotay inay kooxaha la tartamaya bartilmaameedyadooda suuqa ku qabsato ayaa markana xanuunkaas dareensiin karta Liverpool.

Ciyaaryahanka ay Chelsea bartilmaameedyadeeda ku darsatay ayaa ah khadka dhexe ee Wolves ee Matheus Nunes oo hore loola xidhiidhinayay Liverpool.

Jurgen Klopp oo doonaya inuu khadka dhexe ee kooxdiisa Liverpool soo xoojiyo ayaa mid kamida xiddigaha uu doonayo ka dhigtay Nunes.

Chelsea ayaan ku cusbayn inay kooxaha ka dulqaado saxeexyada ay aadka u doonayaan waxaana ugu dambeeyay Mykhailo Mudryk oo ay dhawaan Arsenal kala saxeexdeen.

Wolves ayaa bishii August uun la saxeexatay Nunes iyadoo ka bixisay lacag rekoodhka kooxdeeda ah oo 38 Milyan oo pound ahayd.

Walow ay Wolves xilli ciyaareedkan soo dhibtootay haatana ay kaliya farqiga goolasha kaga sarreyso kaalmaha Premier League lagaga dhaadhaco ayuu Nunes ahaa mid shaqsiyan wanaagsan.

Liverpool ayaa xagaagii haysatay fursada ay Nunes kula saxeexan karaysay balse iskaga baxday iyadoo Wolves siisay wado fudud oo ay ku hesho.

Go’aankaas ayaa haatan u muuqda qalad ay Liverpool gashay iyadoo 10 dhibcood ka dambaysa kaalmaha Champions League loogu soo baxo halka ay 21 dhibcood u jirto hoggaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here