Atletico Madrid oo garoonkeeda Wanda Metropolitano guul kaga gaartay kooxda Barcelona

0
263

Madrid(Idaacadda Waamo)-Atletico Madrid ayaa garoonkeeda Wanda Metropolitano guul kaga gaartay kooxda Barcelona, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee kulanka adag ee Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Atletico.

Daqiiqadii 45-aad kooxda Atletico Madrid ayaa hogganka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Yannick Carrasco, iyadoo caawinta goolkan uu lahaa Angel Correa.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii kulankii adkaa ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay Atletico Madrid kaga adkaatay kooxda Barcelona oo marti ugu aheyd garoonkeeda Estadio Wanda Metropolitano.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here