Athletic Bilbao oo  ku guuleysatay Spanish Super Cup.

0
324

Spain-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Athletic Bilbao ayaa markii 3-aad ee taariikhdeeda ku guulaystay koobka Spanish Super Cup kadib guul ay ka gaadheen kooxda Barcelona Final-ka tartanka.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed isku dheeli tiran koox walbana doonaysay sidii ay koobka ugu guuleysan laheyd.

Dhanka Fursadaha kooxda Athletic Bilbao ayaa heshay fursado badan ee goolka hortiisa ah halka ay kooxda Barcelona ayaanan helin fursado waaweyn  .

Kooxda Athletic Bilbao ayaa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo halis galiyay kooxda Barcelona waliba Goolhayaha Barcelona ku qasbay inuu sameyo badbaadino cajiib ah.

Daqiiqadii 40-aad kooxda Barcelona dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib markii uu xiddiga Antoine Griezmann dhaliyay goolka hogaankana ugu dhiibay kooxdiisa ee Barcelona.

Laakiin Xilli aanan dheerey oo aysan kooxda Barcelona wali si fiican ugu dabaal dagin goolkeeda ayay Athletic Bilbao Dhalisay goolka bar-baraha kadib markii uu xiddiga Oscar de Marcos dhaliyay goolka kooxdiisa isagoo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Kooxda Athletic Bilbao Ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybtii dambe iyaga oo doonayay in ay Barcelona kaga naxsadaan gool kale oo ay hogaanka ugu qabtaan.

Daqiiqadii 57-aad ayay dhalisay Athletic Bilbao goolka waxana madax ugu dhaliyay xiddiga Raul Garcia laakiin Goolkaas ayaa la diiday sabab la xiriira Offside.

Daqiiqadii 77-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddigii goolka hore u saxiixay ee Antoine Griezmann kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kooxda Athletic Bilbao ayaan is dhiibin waxana ay sii wadeen dadaalka ay ku doonayeen in ay ku soo laabtaan kuna dhaliyaan goolka bar-baraha.

kooxda Athletic Bilbao ayaa Daqiqiadii 89-aad ahayd-na daqiiqadii ugu dambaysay ayay Athletic Bilbao Dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Asier Villalibre kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa ciyaarta lagu daray 30 daqiiqo si loogu kala baxo kadib markii ay labada kooxood 90-kii daqiiqo bar-baro ku kala bexeen.

Daqiiqadii 94-aad ayay kooxda Athletic Bilbao dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Inaki Williams kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Xilli ay Barcelona raadinaysay goolka bar-baraha ayuu xaalku ku sii xumaaday kadib markii kaarka cas ee toos ah loo taagay kabtankooda Lionel Messi.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Athletic Bilbao  garaacday Barcelona kuna guulaystay koobka Spanish Super Cup markii 2-aad ee taariikhdooda.

Image

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here