Athletic Bilbao oo jaratay tikitka finalka Spanish Super Cup kaddib markii ay ka adkaatay Real Madrid

0
250

Madrid(Idaacadda Waamo)-Athletic Bilbao ayaa jaratay tikitka finalka Spanish Super Cup kaddib markii ay kaga adkaatay 1-2 kooxda Real Madrid kulankii afar dhamaadka ahaa ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Athletic Bilbao.

Daqiiqadii 18-aad Athletic Bilbao ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Raul Garcia, kaddib markii uu caawin qurux badan ka helay saaxiibkiis Dani Garcia.

38 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Athletic Bilbao ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Raul Garcia, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 0-2 ay ku hoggaamineysay Athletic.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiiqadii 75-aad Real Madrid ayaa dhalisay gool, waxaana 1-2 ciyaarta ka dhigay weeraryahankooda reer France ee Karim Benzema.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 1-2 oo ay Athletic Bilbao kaga adkaatay kooxda Real Madrid, iyadoo ciyaarta finalka ah ay wada ciyaari doonaan kooxaha Barcelona iyo Athletic.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here