Arsenal Oo Wembley Ku Garaacday Man City Kuna Guulaystay Community Sheild-ka.

0
169

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Arsenal iyo Man City ayuu kulan xiiso leh ku dhexmaray Wembley kulan ka tirsanaa Final-ka Community Sheild-ka.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal ahayd kooxda fiican iyaga oo  ahaa kuwo ka fiican Man City isla markaas marar badan tijaabiyay Goolka Man City.

Kooxda Man City ayaa qaybtii hore baxday iyaga oo aan wax kubad ah la helin goolka xilli ay Arsenal dhinac walba ku fiicnayd.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku fashilmeen in ay wax gool ah kala dhaliyaan.

Qaybta dambe ayay Labada kooxood si dar-dar leh ku bilowdeen iyada oo Man City ahayd kooxda fiican qaybta dambe xilli ay Arsenal u muuqatay kuwo aan kaba soo laaban qolka Labiska.

Man City ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd gool wakhti hore ah qaybta dambe iyada oo Arsenal dhinaceeda qaadaysay weeraro goos-goos ah.

Goolhayaha Arsenal ee Ramsdale ayaa kooxdiisa ka badbaadiyay laba fursadood oo gool cadaan ah ahaa.

Daqiiqadii 77-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Cole Palmer kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Arsenal ayaa hurdada ka kacday iskuna dayday in ay ku soo laabato ciyaarta xilli ay Man City difaac gashay.

Waxa dhaqan galay xeerka cusub ee premeir League soo dajiyay ee ahaa in daqiiiqado badan lagu daro kulamada waxana lagu daray 8 daqiiqo.

Xilli ay ciyaartu u muuqatay mid sii dhamaanaysa oo ay taageerayaasha Man City u dabaal-dagayaan guusha ayay wax walba is badaleen.

Daqiiqadii 90+9-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha waxana si khaldan goolkiisa uga dhaliyay xiddiga Manuel Ajanji kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas lagu gaadhay rikoodhayaal si ay labada kooxood u kala baxaan oo ay midkood guul uga gaadho kulanka una qaado koobka.

Waxa ay Guushu Arsenal ku raacday 4/1 ay Arsenal markii 17-aad ku guulaystay koobka Community Shield-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here