Arsenal oo War Xun Ka Heshay Xaalada Bukayo Saka Kadib dhamaadkii Xilli Ciyareedka

0
56

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay xaalada dhaawac ee xiddiga Bukayo Saka kadib dhamaadkii xilli ciyaareedka kadib markii uu dhaawac soo gaadhay.

Saka ayaa soo afjaray xilli ciyaareedka Arsenal laakiin waxa uu isku diyaarinayaa kulamada xulkiisa ee is reeb-reebka koobka Euro 2024 ay la ciyaari doonaan xulalka Malta & North Macedonia.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa sheegay in uu dhaawac la dhibaatoonayay ka hor kulanki Wolves ee Axadii laakiin ku bilowday shaxda kooxda kulamadii ugu dambeeyay.

Goolashii Saka ayaa Arsenal ka caawiyay in ay si fiican ku dhamaysato xilli ciyaareedka iyaga oo 5/0 ku xasuuqday kooxda Wolves.

Laakiin Saka ayaa la badalay qaybtii dambe ee ciyaarta markii uu dhaawac soo gaadhay siina wadan kari waayay ciyaarta.

Xulka Qarank England iyo Arsenal ayaa haatan ka wal-walsan xaalda xiddiga iyaga oo ka war sugaya baadhitaanada lagu samayn doono saacadaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here