Arsenal Oo War Ka Heshay Xaalada Saliba Ka Hor Kulanka Man City

0
6

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-William Saliba ayaa leh ‘fursad weyn’ oo ah inuu diyaar u noqdo ciyaarta adag ee Arsenal la ciyaari doonto Manchester City dhammaadka bishan, ka dib markii uu u muuqday inuu ka badbaaday dhaawac culus intii lagu jiray ciyaartii Liverpool.

Saliba waxaa laga bedelay ciyaarta kaliya shan daqiiqo kadib markii uu ka dhaawacmay kuraanta intii uu socday kulankii ay guuldarada kala kulantay kooxdiisu Liverpool.

Ka dib markii uu markii hore isku dayay inuu ciyaaro inkastoo dhaawaca, daafaca dhexe ayaa lagu bedelay Cristhian Mosquera, iyadoo Mikel Arteta ciyaarta kadib uu qirtay inuu ‘ka welwelsanaa’ ciyaaryahankiisa.

Saliba waxaa sidoo kale laga saaray xulka Faransiiska ka hor kulammada isreebreebka Koobka Adduunka ee ka dhici doona Ukraine iyo Iceland. Bayaan ka soo baxay Ururka Kubadda Cagta Faransiiska ayaa xaqiijiyey in daafacu uu qabo dhaawac kuraanta ah.

Arsenal ayaa ka welwelsan doonta caafimaadka Saliba maadaama ay sugayaan ciyaaro waaweyn oo la ciyaari doonaan Nottingham Forest, Manchester City iyo Newcastle United.

Laakiin Stephen Smith, oo ah madaxa fulinta iyo aasaasaha Kitman Labs oo ku takhasustay daryeelka dhaawacyada iyo falanqaynta waxqabadka isla markaana la shaqeeya Premier League, ayaa aaminsan in taageerayaasha Arsenal ay rajo wanaagsan ka qabi karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here