Arsenal oo Mayd-garaacday Real Madrid Iyo Declan Rice oo Adduunka Ka yaabsaday

0
66

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa xasuuqday Real Madrid kulan ka tirsanaa wareega 8 dhamaadka tartanka Champions League.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal ku awood badantahay iyada oo Real Madrid daafac ciyaaraysay.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro ayna midkoodna wax gool ah dhalin.

Arsenal ayaa qaybta dambe ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 57-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Declan Rice kaas oo laad xor ah oo adduun kale ka yimid oo cajiib ah dhaliyay.

Rice ayaa mar kale Soo laabtay isaga oo ahaa xiddiga ciyaarta isaga oo daqiiqadii 70-aa dhaliyay goolka 2-aad waxana uu dhaliyay gool kale oo laad xor ah.

Rice ayaa mar kale noqday caawiye goolka 3-aad ee kooxdiisa oo uu dhaliyay xiddiga Mikel Merino kaas oo ciyaarta ka Dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal garaacday Real Madrid Hal lug-na la Gashay Semi-final Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here