Arsenal oo Loo Sheegay Inay Iska iibiyaan Aubameyang Maadaama ay Haysaan Badalka Xidiga .

0
379

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xiddigii Hore ee Xulka Qaranka England iyo Kooxaha Liverpool Iyo Man United ee Micheal Owen ayaa Kooxda Arsenal Kula Taliyey Iney Xidiga Aubameyang ay Iska Iibiyaan Maadaama ay Heystaan Laba Xiddig oo Noqon Kara Badalka Tooska ah ee Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang.

Xiddiga Aubameyang ayaa Ku Jira Qaab Ciyaareed Cajiib ah Tan ilaa Markii uu Mikel Arteta Noqday Tababaraha Kooxda Arsenal Laakiin Waxa uu Heshiiskiisa Haatan ee kooxdu Dhici Doona Dhamaadka Xilli Ciyaareedk 2021.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Haatanba Lala Xiriirinayaa in uu isaga Tagaayo Kooxda Arsenal Dhamaadka Xilli Ciyaareedka iyada oo Lala Xiriirinaayo Kooxaha ay Ka midka yihiin Inter Milan iyo Barcelona .

Si kasta ha ahaatee Owen ayaa sheegay in ay Arsenal Haysato Laba Xiddig oo Buuxin Kara Booska uu baneeyo Xiddigan u Dhashay Dalka Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang.

“Waxa ay Haystaan Laba Xiddig oo Waliba Da’yar ah Kuwaas oo Dhalin Kara Goolal Badan Waana Xiddigaha Kala ah Eddie Nketiah & Gabriel Martinelli”.Image result for Eddie Nketiah & Gabriel Martinelli

“Ma Garan Karno in ay Labadaas Xiddig Noqon Karaan Kuwo Joogto u Ciyaara Laakiin Waa Xiddigo Dhalin Kara ugu yaraan 20 Gool Xilli Ciyaareedkii Hadii Fursad Fiican La Siiyo”.

“Waxan u Malaynayaa in ay Arsenal Ku Jirto Wado Fiican intii uu Mikel Arteta Noqday Tababaraha Kooxda”ayuu Owen u Sheegay Premier League Production.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here