Arsenal Oo Ka Jawaabtay Dalabka Chelsea Ka Gudbisay Saxiixa Emile Smith Rowe.

0
62

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diiday dalab kaga yimid Chelsea oo ku aadan weeraryahanka Emile Smith Rowe.

Iyagoo qarash gareyay in ka badan 200 milyan oo euro Arsenal ayaa ka faa’iidi karta in ay iska iibiso xiddigo ka hor xidhitaanka suuqa.

Emile Smith Rowe ayaa ku dhibaatoonaya in uu boos ka helo Arsenal waxana uu doonayaa in uu isaga tago kooxda Arsenal xagaagan.

Kooxda chelsea ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga Emile Smith Rowe oo boosas badan ka ciyaari kara dhinaca weerarka.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Daily Mail, Arsenal ayaa chelsea ka diiday dalab ay ka gudbisay saxiixa xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Sababta ay Arsenal u diidantahay ayaa ah in ayna doonayn in ay xiddigeheeda ka iibiso koox si toos ah ugula tartamaysa premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here