Arsenal oo guul ka gaartay Leeds United oo ay soo dhoweysay, xilli uu saddexleey saxiixay Aubameyang

0
246

London(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul weyn oo 4-2 ah ka gaartay naadiga Leeds United kulan qeyb ka ah horyaalka Premier League, xilli Pierre-Emerick Aubameyang uu saddex jeer shabaqa soo taabtay.

13’daqiiqo bilowgii ciyaarta Pierre-Emerick Aubameyang ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Gunners, weeraryahanka reer Gabon ayaan markiisii labaad shabaqa soo taabtay markii uu gool u rogay rigoore lagu abaal-mariyey daqiiqaddii 41-aad.

Dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta waxaa goolka saddexaad ee Arsenal saxiixay Hector Bellerin, kaddib markii uu dhammaystiray caawin uu ka helay Daniel Ceballos, kulanka ayaana lagu kala nastay 3-0 ay ku gacan sarreysay Gunners.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta 47’daqiiqo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhammaystiran saddexleeydiisa kulankan kaddib caawin uu ka helay Emile Smith-Rowe, Arsenal ayaana hoggaanka ciyaarta ku qabtay 4-0.

Waxa ay ahayd saddexleeydii ugu horreysay ee  Pierre-Emerick Aubameyang uu ka dhaliyo horyaalka Premier League.

Leeds United ayaa intaasi kaddib hurdada ka soo toostay waxaana ay la yimaadeen labo gool oo ay u kala dhaliyeen 58’daqiiqo Pascal Struijk iyo 69’daqiiqo Helder Costa, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 4-2 ay ku adkaatay Gunners.

Kooxda Arsenal ayaa soo degtay kaalinta 10-aad ee Premier League, waxaana ay Gunners haatan lix dhibcood oo qura ka dambeysaa kooxda kaalinta afaraad horyaalka ku jirta ee Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here