Kooxda Arsenal ayaa guul ka gaadhay kooxda reer Imaaraad ee Al-Nasr kulan koob saaxiibtinimo ahaa oo lagu furayay garoonka Cusub ee Al-Nasr.
Arsenal ayaa kulanka u soo gashay shax isku dhex jir ah oo ay ku jiraan xiddigo kooxda 1-aad ah iyo waliba xiddigo da,yar ah.
Denis Suarez ayaa kulankiisii ugu horeeyay ku bilwoday shaxda Arsenal tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda suuqiii January.
Gool :- Kooxda Al-Nasr ayaa Arsenal ka yaabsatay daqiiqadii 14-aadba kadib markii uu xiddiga Ronnie Fernandez gool cajiib ah ka dhaliyay.
Arsenal oo khal-khal ku bilaabatay ciyaarta yaa dhanka maamulista ciyaarta maamulayay halka kooxda Al-Nasr ay qaadayeen weeraro rogaal celis ah.
Gool :- Daqiiqadii 42-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay daafaca ay Taageerayaasha Arsenal iloobeen ee Carl Jenkinson kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Waxa sidaas ku dhamatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro min hal gool ah waliba Arsenal maamulaysay ciyaarta.
Gool :- Qaybtii hore ayay Arsenal si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo daqiiqadii 51-aad goolka 2-aad u dhaliyay weeraryahanka Alexandre Lacazette kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 Ay Arsenal ku hogaaminayso ciyaarta.
Gool :- Gunners ayaa sii waday dadaalka waxa ay daqiiqadii 72-aad dhaliyeen goolka 3-aad ee ciyaarta iyaag oo uu u dhaliyay da,yarka Tyreece John-Jules kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.
Gool :- Kooxda Al-Nasr ayaa dhalisay goolka 2-aad daqiiqadii 90-aad iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Khalid Jalal kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.
Waxana sidaas ku dhamaaatay ciyaarta oo ay Arsenal sidaas ku gaadhay guul kuna qaaday koobka lagu furay garoonka Cusub ee kooxda Al-Nasr.