Arsenal oo Dhamaystirtay Saxiixa Xiddiga Martin Odegaard

0
268

Arsenal-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay qaab toos ah Real Madrid ugala soo wareegtay xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard.

Arsenal ayaa xaqiijisay in uu xiddiga reer Norway qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah kaas oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Emirates.

Xiddiga Martin Odegaard ayaa markii 2-aad ku soo laabtay Gunners kadib markii uu qaab amaah ah ku qaatay Xilli ciyaareedkii hore qaab ciyaareed cajiib ahna soo bandhigay.

Arsenal ayaa xiddiga Martin Odegaard ka soo bixisay lacag dhan 30 milyan oo euro iyo 6 milyan oo Guno ah isaga oo noqday saxiixii 4-aad ee ay kooxdu si Rasmi ah ugu dhawaaqdo.

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Martin Odegaar kooxda u xidhan doono No.8 inta uu joogo kooxda Arsenal una ciyaarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here