Antonio Conte Oo Shardi Ku Xidhay Inter Milan Si Uu U Noqdo Tababarohooda Cusub

0
483
UDINE, ITALY - APRIL 14: Head coach of Juventus Antonio Conte looks on during the Serie A match between Udinese Calcio and Juventus at Stadio Friuli on April 14, 2014 in Udine, Italy. (Photo by Dino Panato/Getty Images)

Kismaayo(Waamo Radio)Tababarihii hore ee kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu tababare u noqdo kooxda Inter Milan laakiin ku xidhay hal shardi ka hor inta uuna si toos ah ula wareegin shaqada kooxda

Antonio Conte ayaa lagu soo waramayaa in uu Inter Milan ka dalbanayo lacag dhan 10 milyan oo euro ah oo mushaharkiisa ah si uu tababare ugu noqdo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in madaxweynaha kooxda Inter Milan ee Steven Zhang uu agaasimaha ciyaaraha kooxda Inter Milan ee Beppe Moratta ku amray in uu kooxda keento Antonio Conte.

Si kasta ha ahaaatee wargayska ayaa sheegaya in uuna 49 jirkan ku qanacsanayn ku soo laabashada horyaalka Serie A-da wakhti xaadirkan.

Sidaas darteed ma aqabali doono lacag ka yar lacagtii uu mushaharka uga qaadan jiray kooxda Chelsea oo ahayd lacag dhan 10 milyan oo euro marka laga reebo lacagta cashuuraha.

Lacagtaas ayaa ah mid 3 milyan ka badan lacagta uu tababaraha Juventus ee Max Allegri Ka qaato kooxda Juventus taas oo ka dhigtay tababaraha ugu mushaharka badan Serie A-da.

Inter Milan ayaa sidoo kale ku qabsabanaan doonta in ay bixiso 25 milyan ee Tababare Luciano Spalletti hadii ay go,aansato in ay shaqada ka caydhiso dhamaadka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here