Andre Onana oo Go’aan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Man United.

0
8

Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Goolhaye Andre Onana ayaa la sheegayaa inuu diyaar u yahay ka tagista Manchester United maalmaha soo socda, kadib markii kooxda reer Turkey ee Trabzonspor ay dalbatay inay amaah ku qaadato Xidiga.

Goolhayaha 29-jirka ah weli kuma uusan bilaabin wax kulan ah oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, waxaana booskiisa la wareegay Altay Bayindir, inkasta oo uu la kulmay dhaleecayn ku aadan qaab ciyaareedkiisa aan deganayn.

Goolhaye Onana kaliya hal kulan ayuu xilli ciyaareedkan kusoo bilowday — kulankii Carabao Cup ee ay la ciyaareen Grimsby Town, balse qaladaad kale oo uu sameeyay ayaa sii kordhiyay shakiga laga qabo mustaqbalkiisa muddada dheer ee Old Trafford.

Intaa waxaa sii dheer, saxiixii maalinta ugu dambeysay ee suuqa — Senne Lammens oo laga soo qaaday Royal Antwerp — ayaa laga yaabaa inuu si weyn u saameeyo fursadaha Andre Onana ee helista daqiiqado ciyaareed xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here