Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Dhawaan ayay ahayd markii wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlada Gobleedka Jubbaland lagu amray qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalada Kismaayo in ay qaataan marada Af-xirka ee loogu tala galay in lagaga gaashaanto faafida xanuunka Covid-19 oo magalada Kismaayo sameyn badan ku hayay bilahan.
Tan iyo markii uu soo baxay amarkaasi Bulshada ay qateen fariintaasi goobaha Ganacsiga wadooyinka iyo gadiidka Dadweynaha ay racaan ayaad ku arkeysaa dadka oo xiran Face mask taas oo mujineyso in ay bulshada u diyaarsan tahay qadashada farimaha waciyigalinta.
Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.