Alvaro Morata oo Magacaabay Kooxaha ugu Cad-cad Hanashada Tartanka Champions League.

0
373

Kismaayo(Idaacada Waamo) Weeraryahanka Kooxda Atalico Madrid ee Alvaro Morata ayaa u arka Kooxdiisii Hore ee Juventus ay Ka Mid Tahay Kooxaha ugu Cad-cad ee Ku Guuleysan Kara Tartanka Champions League Xilli Ciyaareedkaan.

Laakiin Alvaro Morata ayaa Wuxuu Rajeeyay in Kooxda ee Juventus aysan Mar Kale Wada Ciyaarin Kadib Wareega Group-yada ee Tartanka Champions League.

Atletico Madrid ayaa Guul Dirqi ah Ka Gaartay Kooxda Liverpool Walibo Garoonkeeda Wanda Metropolitano, Kaddib Markii ay Kaga Badiyeen 1-0, Kulanka Lugta Hore Wareega 16-ka ee Tartanka Yurub ee Champions League.

Alvaro Morata ayaa kaddib Guushii ay Ka Gaareen Kooxda Liverpool Wuxuu Sheegay aragtidiisa Kaga aadan Kooxaha u Sharaxan Xilli Ciyaareedkan inay Ku Guuleysan Karaan Tartanka Champions League Wuxuuna yiri: “Waxaan u Maleynayaa in Liverpool iyo Juventus ay Yihiin Kuwa ugu Fiican, Waxaan Door Bidi Lahaa inaan Markale Ku Wajihi Doonin Kooxda Juventus Tartanka Champions League”.

“Liverpool, PSG iyo Juventus ayaa ah Kuwa ugu Cad-cad ee Ku Guuleysan Kara UEFA Champions League, Laakiin Yurub Ma Jiraan Wax La Xaqiijin Karo”.

Si kastaba Ha Noqotee Juventus ayaa isku Diyaarineysa isbuuca soo socda inay kula Ciyaarto Kooxda Reer France ee Lyon Lugta Hore ee wareega 16-ka Tartanka UEFA Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here