Alsonso Oo Xiddig U Ciyaara Real Madrid Bar-bardhigay Steven Gerrard

0
44

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Federico Valverde ayaa amaan sare ka helay Xabi Alonso kaas oo xiddiga Real Madrid barbar dhigay Steven Gerrard kadib bandhig cajiib ah oo uu sameeyay koobka kooxaha aduunka.

Madrid ayaa 3-1 ku garaacday Pachuca kulan ka tirsan koobka kooxaha aduunka inkasta oo ay 10 xiddig ku dhamaysteen ciyaartii Al-Hilal.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Uruguay Valverde oo lumiyay rigoore soo daahay kulankii ay barbaraha la galeen kooxda Al-Hilal, ayaa dhaliyay gool seddexaad oo muhiim ah, waxaana uu amaan sare ka helay macalinka cusub ee Alonso, kaasoo barbar dhigay halyeyga Liverpool Gerrard oo saameyn ku yeeshay guud ahaan garoonka.

Alonso ayaa yidhi”Maan arkin xiddigo badan oo leh awoodiisa qaab ciyaareed, waxa uu i xasuusiyaa Steven Gerrard, wuu ka ciyaari karaa boos kasta, wan ku faraxsanahay in aan isaga tababare u ahay”.

“Dhamaan tababarayaashu waxa ay jeclaan lahaayeen in ay kooxdooda ku haystaan isaga, waxa uu ka baxay niyad jabkii rikoodhadii uu khasaariyay kulankii ugu dambeeyay waxana laga dareemayay dabaal-dagiisa”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here