Alexis Sanchez oo Dib ugu Laabanaya Kooxda Barcelona 

0
258

Barcelona(Idaacadda Waamo)Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso inay dib ula midoobo weeraryahanka Inter Milan Alexis Sanchez bisha January.

32 jirkan ayaa kaliya 380 daqiiqo u ciyaaray Inter Milan xilli ciyaareedkan isaga oo ku lug lahaa 2 gool iyo 2 caawin, Sida laga soo xigtay Sport, Barcelona ayaa doonaysa in ay Sanchez keento Camp Nou suuqa January si ay uu xoojiso weerarkeeda qabta dambe ee xilli ciyaareedka.

Barcelona ayaa la sheegayaa in ay Xiddiga Luuk de jong u diri doonto Inter Milan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan si uu amaah ugula joogo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here