Al-Ittihad Oo Aan Wali Ka Quusan Saxiixa Mohamed Salah

0
135

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wararka ka imanaya Dalka England ayaa sheegaya in ayna kooxda Al-Ittihad wali ka quusan saxiixa xiddiga Mohamed Salah inkasta oo ay ku fashilmeen saxiixiisa suuqii xagaaga.

Kooxda Al-Ittihad ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa Mohamed Salah suuqii xagaaga ka hor intii uuna xidhmin suuqii xagaaga.

Liverpool ayaa diiday dalab 150 milyan oo euro oo ay Al-Ittihad ku doonayso saxiixa xiddiga Mohamed Salah.

Sida laga soo xigtay wargayska Mirror, Kooxda Al-Ittihad ayaan wali ka quusan saxiixa Mohamed Salah waxana ay isku dayi doonaan mar kale suuqa January.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay Al-Ittihad aaminsantahay in ay Liverpool u furantahay in ay iibiso Mohamed Salah suuqa xagaaga.

Si kasta ha ahaatee Al-Ittihad ayaa aaminsan in ayna Liverpool u ogolaan doonin Salah in uu boxo suuqa January hadii ay kooxdu u tartamayso ku guulaysiga horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here