AKHRISO: Wararkii ugu dambeeyay ee Caabuqa Karona-Feyras

0
267

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo ku aaddan cudurka coronavirus.

Mr Trump ayaa sheegay in amarkaas uu dowladda siin doono galaangal ay ku hesho ilaa 50 bilyan oo doolar oo ah dhaqaalaha loogu talagalay xaaladaha degdega ah.

Ra’iisul Wasaaraha Hungary, Viktor Orban, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in la xiray dhammaan iskuullada, isagoo ka laabtay go’aankiisii hore ee uu ku sheegay in iskuulladu ay furnaadaan.

Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez  waxa uu sheegay in xaalad degdeg ah dalkaas laga dhaqangelin doono maanta oo Sabti ah, kaddib markii dalkaas uu diiwaangeliyay sare u kac boqolkiiba 50 ah oo ah dadka cudurkaasi u dhintay.

Dalalka Denmark, Poland, Cyprus, Slovakia iyo the Czech Republic ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay xirteen Xuduudooda.

Kisas cusub oo Cudurka ah ayaa looga dhawaaqay 24 kii saac ee lasoo dhaafay dalalka Kenya, Itoobiya, Suudaan, Mauritania, Eswatini iyo Guinea.

In ka badan 118,000 kiis oo COVID-19, ayaa dunida laga diwaan galiyay waxaa uu gaaray 120 oo caalamka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here