Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Waxaa Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ka socda Mashruuca Maareynta Khayraadka Dadweynaha ee loo yaqaano SERP kaas oo Soomaaliya ka taageera horumarinta hay’adaha iyo bixinta adeegga bulshada.
Mashrruca SERP oo Wasaaradda Maaliyada Jubbaland Kismaayo ka daah furtay ayaa ah Mashruuc diiradda saaraya Horumarinta Dowladnimada,iyo daqliga gudaha’ayadoona ujeedada ugu wayn ee Mashruucaan tahay in lahelo isla-xisaabtan, daah-furan iyo xoojinta awoodda hay’adaha ee maareynta kheyraadka dadweynaha.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.